
KU SOO DHOWOOW SAMO TALIS HOTEEL-
CEEL-AFWEYN
HOTEL SAMO TALIS, waa Hoteelkii ugu casrisanaa ee Magaalada Ceel-Afweyn laga dhiso. Waa Hoteel la tartamaya Hoteelada magaalooyinka waaweyn ee Somaliland ku yaala. SAMO TALIS, waa magac ka turjumaya, colaadihii ka dhacay Ceel-Afweyn. Dadka reer CeelAfweyn ugu baaqaya nabad iyo wada noolaasho.

Ceel-Afweyn
Ceel-Afweyn Waxa ay ku taalaa salka buurta quruxda badan ee loo yaqaan Surad kana tirsan buuraha isku taxan ee Golis.
Hurdada
Hoteelka SamoTalis waa Hoteel Casri ah, nadiif ah oo si wanaagsan naftaada u soo jiidanaya.
Haddii aad ku soo degtid Hoteel SamoTalis, waad u soo hiloobidoontaa.


Gobolka Sanaag
Haddii aad fekertid oo indha isku qabatid, Gobolka Sanaag, waxa kuu soo baxaya dhulka ugu quruxda badan Somaliland, sida Buuraha Cajiibka ah ee Daalo, Calmadow, iyo dhammaan silsiladda Golis. Waxa kuu soo baxaya xeebaha quruxda badan sida Laas Qoray, Xiis iyo Maydh. Waxa kuu soo baxaya dooxooyin qurux badan sida Dalyo iyo Beerweeso.
Sawiro Quruxda Sanaag

Aroosyada iyo Shirarka
SamoTalis Hoteel waxa uu kuula diyaar yahay jawi fiican oo aad ku dhigan kartid, xafladaha, aroosyada iyo shirarka.