Muddo badan dagaal sokeeye ayaa aafeeyey Degmada Ceel-Afweyn iyo Dhulka ay xukunto.  Waxa muddo badan dedaal odayaasha iyo wax garadku ugu jireen sidii nabad looga islaaxin lahaa.  Shirka Samo Talis ee ka socda Hoteelka Samo Talis, waad mid dariiqa saxda ah ee dib u heshiisiinta ku socda; Maamulka Hoteelka Samo Talis na waxa uu ka qaadanayaa door laxaad leh iyo sidii wufuudaas nabadayntu u heli lahaayeen meel shirarka iyo Jiifkaba anfacda.